daajis.com:- Waxaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland lagu soo gabagabeeyay tartanka todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland oo ka soconayay xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland ee Garoowe.
Tartankaan ayaa waxaa xeritaankiisa ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas, Wasiiro , Xildhibaano, Waxgarad, Isimo , Cuqaal , madax ka socotay hay’addaha caalamiga ah ee ka howgala gudaha Puntland, Tartamayaal ka kala socday Gobolada Puntland iyo masuuliyiin kale.Plnd-tartan-1Tartamayaashii ka qeybgalay bandhigan ayaa soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Puntland , waxaana ay si aad ah indha-hooda u soo jiidatay dhammaan masuuliyiintii daawanayey oo uu ugu horeeyey Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa aad ugu bogaadiyey dhalinta tartamaysay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan soo noolaynta dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliya ku caanbaxday.Plnd-tartan-2
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in Puntland ay soo bandhigtay inay tahay umadd dhaqankeeda ku faanaysa , dhaqankeeda hirgelinaysa adkaysanaysana dhaqankeeda kuna faanaysa” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha ayaa hambalyo kal iyo laab ah udiray dhammaan dhalinyaradii ka kala timi Gobolada Puntland ee ka qeyb-galay tartanka todobaadka Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland oo si hambsami leh u qabsoomay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:00 and have
, Published at