Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo Mudo Saacado ah ka Khudbeenayay Masaajid kuyaala Dalka Kenya

Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab oo Mudo Saacado ah ka Khudbeenayay Masaajid kuyaala Dalka Kenya

daajis.com:- Dagaalyahanada hubeesan ee Al-Shabaab ayaa mar kale waxa ay gudaha u galeen deegaano katirsan Dalka Kenya, waxa ayna Saraakiil katirsan Kooxdaasi ay Khudbooyin u jeediyeen dadka kunool deegaanada ay tageen.

In ka badan 50-Dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa xalay gaaray Tuulada lagu Magacaabo Mangai oo kutaala duleedka Degmadda Laamu ee Gobolka Xeebta Dalka Kenya, waxaana Masaajid kuyaala Tuuladaasi ay kula hadleen dadweynaha halkaasi ku dhaqan.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ka badan sadax saacadood in ay Khudbad u jeedinayeen dadka ku dhaqan Tuulada Mangai oo ay isugu geeyeen Masaajid, waxaana la sheegay in Salaadii Subax ay halkaasi kula dukadeen Dagaalyahanada Shabaab Jameecada ku xiran Masaajidkaasi.

Mid kamid ah Odayaasha Tuulada Mangai ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tuuladooda joogeen saacado badan ayna halkaasi kula hadleen dadka deegaanka, waxa uuna intaa raaciyay in ragaasi hubeesan ay salaada subax masjidka kula dukadeen dad badan oo ku dhaqan tuuladaasi.


Al-Shabaab ayaa sanad kahor waxa ay Weerar ku qaadeen Degmooyinka Lamu iyo Mpeketoni ee dalka Kenya, waxaana Weeraradaasi oo xiligii u dhacay ku beegan tahay beritu Al-Shabaab ku dileen ku dhawaad 100-qof oo isugu jiray rayid iyo ciidan, waxaana Weerarkaasi Shabaab ku gubeen xarumo ciidan iyo goobo ganacsi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada