Deg Deg: Ciidamada DF oo la wareegay Deegaanka Toora-tooroow

Deg Deg: Ciidamada DF oo la wareegay Deegaanka Toora-tooroow

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in saaka waabarigii ay ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Tooratoorow ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Sida uu ku soo warramayo weriyahayaga magaalada Muqdisho ma aanay jirin wax iska hor imaad ah oo dhexmaray labada dhinac.


Guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose, degmada Sablaale oo kaliya ayaa ku hartay gacanta Al-Shabaab.


Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay deegaano ka tirsan gobolkaasi kula dagaalameen ciidammada dowladda iyagoo qabsaday kaddibna isaga baxay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak ee isla gobolka Shabeelaha Hoose.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada