EXCLUSIVE: Xasan oo beddelaya agaasimayaashii Villa Somalia (Ceeb ka tagaan madaxtooyada)

EXCLUSIVE: Xasan oo beddelaya agaasimayaashii Villa Somalia (Ceeb ka tagaan madaxtooyada)

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu is-beddel ku sameeyo qaar ka mid ah agaasimayaasha tirada badan ee Villa Somalia kadib markii xafiiska madaxweynuhu noqday mid aan wax qabad muuqda lahayn.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xubnaha xilka laga qaadi doono uu ka mid yahya madaxa shaqaalaha Villa Somalia (Chief of Staff) oo lagu magacaabo Cali Cumar oo loo yaqaan Cali Balcad.

Cali Balcad ayaa sida la sheegay noqday nin fadhiid ah oo aan waxba qaban, islamarkaana iskahorkeena madaxweynaha iyo xubnaha kale ee ku dhow, sida xubno ku sugan Villa Somalia ay u sheegeen Caasimada Online.

Ninkan oo markii horeba si saaxiibnimo ah uu meesha ku keenay Faarax C/qaadir, ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu yahay nin qabyaaladda ay aad u dillootay, oo ay kasoo dacwadeen dad badan oo madaxweynaha ku dhow oo sheegay inuu dadka qabiil ku kala sooco. Cali Balcad waxa uu kasoo jeedaa beesha Hilibi Daarandoole.


Xafiiska madaxweynaha iyo waxqabadka Xasan Sheekh ayaa isugu soo ururay safar iyo socdaal aan dhammaad lahayn tan iyo intii xilka loo dhiibay Cali Balcad.

Xubnaha sidoo kale xilka laga qaadi doono waxaa ka mid ah Saadaq Cabdikariin oo madaxweynaha uu adeer u yahay, islamarkaana qaba gabar kale oo madaxweynaha uu adeer yahay.

Wiilkan dhallinyarada ah, oo markii horeba ina-adeernimo lagu shaqaaleeyey ayaa waxaa xilka looga qaadayaa kadib markii howsha loo dhiibay ay ka tan weynaatay, ayna cadaatay inuusan garaneyn meel laga maro. Waa agaasime, balse lama yaqaan nooca agaasime ee uu yahay. Villa Somalia waxay leedahay shan agaasime, oo aan caddeyn waxa ay qabtaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada