Jarmalka oo sii daayey Suxufiga al-Jaziira ee Axmed Mansuur

Jarmalka oo sii daayey Suxufiga al-Jaziira ee Axmed Mansuur

daajis.com:- Dalka Jarmalka ayaa sii daayey Suxufiga caanka ah ee Al-jazeera- Carabi u shaqeeya Axmed Mansuur, kadib markii Berlin lagu xanibey maalintii Sabtida oo ay soo dalbatey Xukuumadda Masar.

Maxkamad ku tala magalada Berlin ayaa go’aamisey in Axmed Mansuur la sii daayo iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.


“Waxaan u mahad celinayaa, xaakimkii Jarmalka ee go’aamiyey in si shuruud la’aan ah la igu sii daayo” ayuu yiri Manuur.

“Sidoo kale waxaan mahad ballaaran u diarayaa dhamaan dadkii caalamka ku kala sugnaa ee i soo taageeray mudadii yarayd ee aan xanbnaa” ayuu ku daray hadalkiisa, Xor ayaan ahay, Xor ayaan ahay”.

Tan iyo markii la xanibey Suxufigan ayaa si weyn loogu tageeray baraha Bulshada,  sidoo kale  dad ka badan 25 000 oo qof oo dalka Jarmalka ku sugan ayaa saxiixey “Petition” bayaan codsi ah oo ay ku dalabanayaan in aan Masarloo gacan gelin suxufi Axmed Manuur.

Mansuur ayaa Maxkamad ku taala Masar ay xukun ku ridey isaga oo maqan sanadkii 2014, waxaana ay ku eedeysey in uu ku jirdiley nin Qareen ah fagaaraha taxriir sanadkii 2011, Mansuur ayaa ku tilmaamey in uu yahay shirqool aan waxba ka jirin denbiga lagu eedeeyey.


Mansuur waxa uu u dhashey dalka Masar, waxaase uu hadda haystaa dhalasho labaad oo ah dalka Britain.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha oo si weyn u dhaliiceeya maamulka Masar kuna tilmaama mid gacmaha dhiig kula jira ayaa codsi u direy Mustashaarka  Jarmalka Angela Merkel waxaana ay ka codsadeen in aysan Manuur u gacan gelin Masar.

Sii deynta Axmed Mansour waxaa soo dhaweeeyey madaxa Telefishanka al-Jazeera.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada