daajis.com:-Waa maxay Cabsida Ilaahay? Micnaha cabsida waa inaad taxadarto, taasoo qofka ku hogaamineysa inuu iska ilaaliyo waxkasta oo uu Ilaahay ugu caasin karo misana ku dadaalo wax weliba oo ilaahay raali gelinaya.
Maxaan Ilaahay ugu Cabsaneynaa?
Maxaa yeelay waxaan ku tiirsanahay Allah mana xakameyn karno iimaankeena maalinta ugu danbeysa iyo marka aan Allah xagiisa ku laabaneyno. Waxa nahay kuwa tabar daran, dayacan halka Allah uu yahay midka ay awoodoo dhan u sugnaatay sido kale sharafoo idil.
Wuxuu nafta naga qaadi karaa waqti kasta. Side bey xaaladeenu noqon hadii nafta nalaga qaado anagoo Macsiyo ku jirna. Waxan halis ugu jirnaa dhibaatada qabriga iyo maalin kasii dhib badan, xitaa ma qiyaasi karno waxa ay xaalada noqoneyso maalinta qiyaamaha.
Hadaba waxa qasab ah inaan Allah ka baqno oo aan isku dhiibno adheecno amaradiisa qaadano.
Hadaba waa kuwan qaar ka mid waxyaabaha aad ku kasban karto cabsida Ilaahay.
1)Aqri Qur’aanka misana baro micnihiisa.
Waa inaan qur’aanka aqrinaa, baranaa micnihiisa iskuna daynaa inaan fahanno waxa Allah uu inoo sheegayo misana aan ku dhaqannaa, hadii aad aqriso misana aadan ku dhaqmin waxa aayada kuu sheegeyso hadaba taas wax micno ah malaha.
Saxaabada RC inta badan waxey ahaayeen kuwa waqti badan ku qaata dhameynta qur’aanka maxa yeelay waxey ahaayeen kuwa dhaqan geliya aayad kasta oo ay bartaan, anagana waa inaan sameynaa si la mid ah si aan u helno faa’idada Qur’aanka.
Aqri Qur’aanka inta awoodo maalinta kasta qiyaamaha wuxuu kuu noqon doonaa mid kuu shafeeca.
2)Xasuuso Allah.
Ku haaya carabkaaga Dikriga Ilaahay inbadan oo aad awoodo, in badan oo aan xasuusano waa in badan oo uu Ilaahay na xasuusto. Ka dhigo Dikriga Ilaahay difaaca naftaada.
Amaan Ilaahay oo u qir awoodiisa joogtey baryada si kasta oo aad mashquul u tahay maalintii.
3)Ku mahquuli naftaada camalka wanaagsan.
In badan oo aad ka mashquusha camalka wanaagsan waqigaaga intiisa badan waa in yar waqtigaaga oo aad xaraam ku dhacdo. Ka qeyb qaado howlaha islaamka loogu adeegayo iyo dadka masaakinta ah, ahow mid xaadira masaajidada markasta, waani dadka oo u sheeg kheyrka kagana dig xaaraanta.una sameey camal kasta Ilaahay dartiisa.
4)Saaxiin fiican Lahow.
Tani waa mid muhiim ah maxaa yeelay waxaa tahay wax uu saaxiibkaa yahay. Hadii aan nafteen wehel ugu dhigno asxaab xun dhabcan xumaantooda wax ay saameyneysaa nafteena ugu danbeyna waxa aan noqoneynaa kuwa u fakara sidooda oo kale.
Saaxiibka xun waa sida Sun oo kale waa inaan iska dheereynaa. Waxa ka fiican inaad kaligaa ahaato intaad saaxiib xun yeelan laheyd. Waa inaad iska ilaalinaa asxaabtaada kuwooda iska furan, salaada ka taga si wanaagsan aanan u labisan dadka xanta iyo iyo wixii la mid ah.
Asxaabta xun xun waa Sun in aan la fariisano oo aan la sheekeysano waxey keeni kartaan inaan Danbi ku dhacno. Tusaal ahaan hadii aad la fariisato waqti dheer qofka Perfume-ka iibiya dhabcan waxa kaasoo carfaya Perfume.
Bedelkii waa inaan raadinaa asxaabta wanaagsan oo Ilaahay ka baqa misana leh dabeecada wanaagsan ka qeyb qaata howlaha islaamka. Hadii aan la fariisano dhabcan waan ka faa’ideynaa waxeyna sabab u noqon karaan inaan Ilaahay u dhawaano.
5)Baro Diinta Islaamka.
Isku day inaad barato Diinta islaamka misana aad ku dhaqanto, ha noqon qof intuu diinta bartay misana aan ku dhaqmin, xaqiiqdi waxey noqon doontaa mid nalagula xisaabtamo maalinta qiyaamaha.
Qofka aan aqoonta laheyn waa sida qof indhool oo kale ah. Maxaa yeelay sheydaanka wey u sahlantahay inuu duufsado qofka jaahilka ka ah cilmiga diinta islaaamka.
Uma baahnid inaad waqti badan ku bixiso barashada diinta islaamka lkn hadii ay dhab kaa tahay barashadeeda dhabcan maalintii waxaa kugu filan Halsaac.
6)Ka taxadar markasta waxa kaa leexinaya wadada Ilaahay.
Iska jir wax kasta oo kugu hogaaminaya inaad Danbi ku dhacdo. Sheydaanka markasta wuxuu rabaa inaan danbi ku dhacno hadaba markasta waa inaan ka taxadarnaa dhagarta sheydaanka.
Ka taxadar Carabkaaga maxaa yeelay carabka waa waxa ugu badan ee ummada islaamka Naarta sabab ugu noqda. Hadaba waa inaad fakartaa intaadan hadlin,
Hadaba aynu ka taxadarno wax kasta oo noogu hogaamin kara Danbi. Xasuusnow inuu markasta Allah ku daawanayo.
7)Noqo qof Dabeecad Wanaagsan.
Noqo qof dabeeecadiisa dadka ay jecleystaan marna haku fakarin inaad dadka kale ka fiicantahay.
Waa inaad naftaada ka ilaalisaa isla weyni iyo yasida dadka kale. Dadka si isku mid ah ula dhaqan u naxriiso midka yar tixgeli kan kaa weyn
8)Sameey wax kasta oo Ilaahay farxad gelinay.
Wax kasta aad sameyneyso noloshaada u sameey inaad ilaahay farxad gelineyso. Taasi waxey cadeyneysaa in wax kasta aad sameyneyso inaad ka fakartay, iska ilaali wax kasta oo ilaahay carro gelinaya. Raadi markasta shaqooyinka aad Ilaahay ku farxad gelin karto.
Ku fakar marka aad wax sameyneyso, waxaani ma yahay wax ilaahay raali ka yahay misana ii faa’ido ah mise waa wax Alle caro gelinayo waxna aan ka faa’ideyn; hadii sidaasi u fakarno waxa badanay waxa wanaagsan aan sameyneyo waxa xunna ay yaraadaan.
9)Xasuusnow Geerida.
Ogow in daqiiqad kasta nafta lagaa qaadi karo, misana xisaabta ku darso adigo meel xun jooga ama danbi ku jira in nafta lagaa qaadi karo, hadii ay taasi dhacdo side noqon kartaa noloshaadaa qabriga iyo qiyaamaha. Maxaad ugu jawaabeysaa Allah marka la hortago.
Hadaba xasuusnow dhimashada booqo qabuuraha ugu yaraan bishii hal mar maxaa yeelay waxey ku xasuusineysaa in qof weliba halkaas ku danbeyn doono.
Allah naga dhigo kuwa isaga ka cabsada misana nagu hogaamiya wadada saxda ah . sido kale Allah naga badbaadiyo dhibaatada culus ee maalinta Qiyaamaha.
W/D Abdirashid Zubeer Hassan
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:00 and have
, Published at