Maxkamad ku taal Dalka South-Africa oo Sheegtay in Omar Al Bashiir uusan Dalka Ka Bixi karin

Maxkamad ku taal Dalka South-Africa oo Sheegtay in Omar Al Bashiir uusan Dalka Ka Bixi karin

daajis.com:- Madaxweynaha Suudaan oo maanta gaaray dalka South-Africa ayaa waxay Maxkamad ku taala dalkaasi soo saartay warqad digniin ah oo muujinaysa in Madaxweynaha Suudaan aanu ka bixi karin dalkaasi shirka kadib...


Madaxweynaha Suudaan, Omar al-Bashir oo Shir Madaxeedka Midowga Afrika kaga qaybgalaya Magaalada Johannesburg, ayaa dalkaasi ka degay saakay isagoo wata ciidan ilaalo ah. 

Digniinta ay soo saartay Maxkamadda, ayaa waxay ka dambeysay kadib markii Maxkamadda Dembiyada Caalamka (ICC), ay soo saartay codsi ay ku dalbanayso in South Africa ay ICC ku soo wareejiso Madaxweyne al-Bashir.



Digniinta ay soo saartay Maxkamadda South Africa, ayaa waxaa lagu sheegay inay Maxkamaddu go’aan ka gaari doonto, haddii ICC ku wareejin laheyd al-Bashii iyo haddii kalaba.

Madaxweyne al-Bashir, ayaa haysta kalsoonida Wadamada Midowga Afrika, iyadoo aan wax walaac ihi ka qabin murunka ka dhashay soo xiristiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada