Muqdisho oo si weyn looga xusay 26-ka Juun: Sawirro badan

Muqdisho oo si weyn looga xusay 26-ka Juun: Sawirro badan

daajis.com:- Waxaa caawa si weyn magaalada Muqdisho looga xusay munaasabada 55 guuradii kasoo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, iyadoo munaasabadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, ku-xigeenkiisa, Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano, maamulka Gobolka Banaadir, saraakiil ciidan iyo qeybaha bulshada.

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, ayaa intii socotay waxaa sugaan ka hadlaysa qiimaha todobaadka xoriyadda goobta ku soo bandhigay fanaaniinta Qaranka ee Waaberi, iyadoo taariikhdii loo soo maray halganka xornimo doonka Soomaaliyeed iyo markii ay gobolada Waqooyi xornimada qaadanayeen goobta ka jeediyay Axmed Ismaaciil oo waayo u jog ahaa xilligii xornimada dalka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in aqalka dowladda Hoose ee Xamar caawa lagu qabto xuska 55 guurada ka soo wareegtay markii gobolada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada ee todobaadka xoriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu intaa ku daray xornimada loo soo maray halgan dheer, bulshadana looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan todobaadka xoriyadda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Ummadda Soomaaliyeed, looga baahanyahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in markale la abuuro jawi sahlaya in dib loo soo celiyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in taasi lagu sixi karo qaladaadkii horey u dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda ayaa ugu horeyn hambalyo u diray xuska 55 guurada bulshada ku nool gobollada Waqooyi, waxaana uu Alle ka baryay in sanadkan kiise kale ay ummadda Soomaaliyeed ku gaaraan bash bash iyo baraare.

Ugu mdabeyntii Madaxweynuhu waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo calanka Jamhuuriyadda laga taagay aqalka dowladda Hoose ee Xamar, halkaasi oo ahayd goobtii 1-dii Luulyo ee sanadkii 1960-kii laga taagay calanka Jamhuuriyadda, xilligaasi oo ahayd israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo markii ay Koonfurta xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga.




















FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada