Video:- Dahabshiil Group oo ka Qeybqaadatay Maanta Soo Dhaweynta Qaxootigii ka Yimid dalka Yemen

Video:- Dahabshiil Group oo ka Qeybqaadatay Maanta Soo Dhaweynta Qaxootigii ka Yimid dalka Yemen

daajis.com:- Dahabshiil Group ayaa maanta soo dhaweyn ballaaran u sameysay dadkii qaxootiga ahaa ee maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso,waxayna siisay biyo,buskud iyo Dalaayado qoraxda ka harsadaan.

Dahabshiil Group oo ka kooban Shirkadda Isgaarsiinta Somtel,Xawaalada Dahabshiil iyo Bangiga Dahabshiil ayey dadka dhammaantood uga mahadceliyeen Taakuleynta iyo garab istaaga walaalahooda dhibaatada kasoo cararay.

Cali Maxamuud Xasan(Ceelaayo) oo ah maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshiil Group ayaa sheegay iney ka Dahabshiil Group ahaan gudanayaan waajibka ka saaran Ummada.

Mudane Cali Ceelaayo ayaa sheegay iney Shirkadda Dahabshiil Group ay mar kasta u heelan tahay oo ay u taagantahaya sidii ay u caawin lahayd dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Maamulaha Bangiga Dahabshiil Yaasiin Beeldaaje Cabdilaahi ayaa ugu baaqay ganacsatada kale iney sida Dahabshiil Group oo kale ay qeyb weyn ka qaataan maadaama ay tahay Sadaqo iyo waajib.
Halkaan Hoose ka Daawo


Madaxa Xiriirka Dadweynha Somteel Mustaf Suldaan Jeeni-cad ayaa isna dhankiisa sheegay iney farxad u tahay iney goobjoog u noqdaan kana qeybqaataan Taakuleynta dadka walaalahooda ah.

Madaxa Suuqgaynta iyo Iibka shirkadda Somtel Puntland Maxamed Cabdilaahi Saciid oo ka hadlaayey qaabka ay usoo dhaweeyaan dadkan ayaa sheegay iney marka hore siiyaan biyo macaan,buskud iyo dalado ay qoraxda iyo kulka kaga nastaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada