VIDEO:- Ganacsato Maraykan ah oo Dooneysa sidii ay u maal gashan lahaayeen Soomaali‏ya

VIDEO:- Ganacsato Maraykan ah oo Dooneysa sidii ay u maal gashan lahaayeen Soomaali‏ya

daajis.com:- Shirkani oo ay ka qeyb galeen Ganacsato iyo maalgashadayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota, Waxaana looga hadlay Dhaqaalaha Guryenta Maraykanka oo sii koraya iyo sidii loo balaarin lahaa ganacsiga Maalgashiga.

Waxaa Shirkani qeyb ka ahaa Shirkada Best Buy oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed ee saldhigooda yahay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykankan, kuwaasi oo ka ganacsatada Dhulalka, Guryaha iyo Arimo kale, Waxayna Soo bandhigeen hormarka dalka Soomaaliya ku talaabsana, shirkadaha iyo wadamada u tartamaya dib u dhiska dalka Soomaaliya. kuwaasi oo qaarkood dib u dhis aaad u balaaran ka sameeyey.

Madaxa Shirkada Best Bay Cabdi Qani Xasan Daahir ayaa soo bandhigay Project Balaaran oo ganacsatada ay ugu faa’ideyn karaan dalka Soomaaliya iyagane ka faa’idi kara maadaama dalka Soomaaliya  uu leeyahay kheyraad aad u balaaran.
Barnaamijkani oo ah mid bilaaw ah ayaa hadana ah mid rajo wanaagsan maadaama ganacsatada Soomaaliyeed ee qurbaha jooga iyaga laga doonaya in ganacstada kale ay tusaan hormarka dalka Soomaaliya ku tilaabsanaya.

Madaxa shirkada Best Bay Cabdi qani Xasan Daahir ayaa sheegay in xiligani ay tahay xiliga ugu muhiimsan ee ganacsatada caalamka la tusi lahaa indhahooda hormarka wadaka ka socda isagoo hada tusaale u soo qaatay shirkada Turky-ga waxa ay ka qabanayaa caasimada Dalka Soomaaliya, wuxuuna warka intaasi ku daray in iyaga ka ganacato Soomaali ahaan ay bilaabayan arintaasi isla markaana usii sahminayaa saaxiibadooda kale ee Dalka Maraykanka ku sugan.

Dal Walba waxaa dhisa dadkiisa, waxaana la doonayaa in ganacsatada kale ee caalamka laga dhaadhiciyo sidii ay u maalgashan lahaayeen dalka Soomaaliya, Todobaadkii hore ayey markii Xirfadlayaal Saxaafadeed ay sheegeen in xiligani loo baahan yahay in baahiyo hormarka uu dalka ku talaabsana isla markaana la diido colaadaha iyo xumaanta ay afuufayaan Saxaafada Caalamka.


HOOSE KA DAAWO WARBIXINTAAN.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada