daajis.com:- Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta amar ku bixiyay in xayiraadaha laga qaado Xawaaladaha Soomaalida ee sida sharciga ah kaga shaqaysta dalka Kenya.
Shirkadahan ayaa waxaa shaqadooda laga joojiyay kadib markii ciidamo katirsan ururka Al Shabaab ay bilawgii bishii April weerar lagu hoobtay ku qaadeen Dhismaha Xarunta Jaamacadda ee Magaalada Garissa, halkaasoo ay ku naf waayeen arday gaaraysay 149.
Hoose ka daawo
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa isagoo ka faa’iideysanaaya dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan wuxuu Bankiga Dhexe ee Kenya ku war geliyay in rusqadahooda shaqo u celiyaan Xawaaladaha Soomaalida oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:00 and have
, Published at