daajis.com:- Wararka ka imaanaya Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay rag hubeesan oo katirsan Al-Shabaab ay weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaadeen xarun deegaankaasi ay ku lahaayeen Ciidamada AMISOM.
Weerarka ayaa lasoo sheegayaa in gaari waxyaabahaa qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday kadibna halkaasi ay galeen dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al-Shabaab kuwaa oo ka dhax dagalaamaya gudaha xarunta ay weerareen.
Dadka Deegaanka ayaa kusoo waramaya in ay maqlayaan rasaas iyo qaraxyo ka dhacaya xarunta la weeraray, lamana oga sida uu hada yahay xaalka dhabta iyo in lasoo afjaray Weerarka Al-Shabaab ku galeen xarunta AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Leego.
Waxaa sidoo kale dagaalka uu ku faafay qeybo badan oo kamid ah DeegaankaLeeo , waxaana Deeganaka lagu arkayaa Dagaalyahanokatirsan Xarakada Al-Shabaab oo calankooda halkaasika taagay.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa ku waramaya in Dagaalyahanada Weeraray Saldhiga AMISOM ay la wareegeen inta badan saldhigaasi ayna halkaasi wali ka wadaan toogasho ay u geesanayaan Ciidamada AMISOM ee Degnaa saldhigaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:07 and have
, Published at