Wiil uu adeer u yahay R/wasarihii hore oo ku baaqay in dhaqaale lagu taageero Daacish

Wiil uu adeer u yahay R/wasarihii hore oo ku baaqay in dhaqaale lagu taageero Daacish

daajis.com:- Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo ah Muwaadin Somaliyeed, kana barbar dagaalama Ururka Daacish, ayaa wuxuu ku baaqay in dhaqaalo loogu yabooho Ururkaasi.

Ninkaan, ayaa waxaa adeer u ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). Wuxuuna Ururka Daacish uu ku biiray bartamihii 2014-ka.

Faarax Maxamed Faarax Shirdoon oo haystay dhalashada dalka Canada, ayaa ka tagey Magaalada Calgary, si uu kaga barbar dagaalamo Ururka Daacish, oo ka dagaalama dalalka Suuriya iyo Ciraaq.



Local Input~Farah Mohamed Shirdon was a Calgarian Somali-Canadian ISIS fighter reportedly killed abroad.
Credit: Youtube

“Raggu waxay u baahi qabaan Jihaadka, Jihaadkuna wuxuu u baahan yahay dhaqaalo.” Ayuu yiri Faarax, oo markii uu Daacish ku biiray la baxay Abu Usaamah Al-soomaali.

“Gacan haloo fidiyo Jihaadka Dowladda Khilaafadu ka wado Ciraaq iyo Suuriya.” Sidaasi waxaa yiri Abu Usaamah Al-soomaali, oo warkan ku sheegay bogga uu ku lee yahay Twitter.

Ku biirista uu ku biiray Daacish, ayaa waxay amakaak ku noqotay qoyskiisa iyo asxaabtii uu ku lahaa dalka Canada, waayo wuxuu ahaa shakhsi aan looga filan karin arrimaha noocaasi ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada