Xog: Jubbaland oo bedeshay mowqifkeedii hore

Xog: Jubbaland oo bedeshay mowqifkeedii hore

daajis.com:- Maamulka Jubbaland ayaa badalay qorshihiisa hore iyo mowqifki ay qaateen kadib markii baarlamaanka dowlada Soomaaliya uu ansixiyay mooshin sharci daro ka dhigaya dhismaha baarlamaanka maamulka Jubba.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland C/qaadir Luga-dheere ayaa meel fagaaro ah ka sheegay iney diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan cidkasta oo mucaarad ku ah maamulkooda, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Wuxuu sheegay iney ka warqabaan sida looga soo horjeedo maamulkooda, laakiin markaan ay diyaar u yihiin iney wadahadal dhab ah la galaan cid kasta oo kasoo horjeeda maamulkooda, taasi oo u muuqaneyso iney badaleen mowqifkoodii ahaa ineysan wadahadal galeynin.

“Waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno cidka oo kasoo horjeeda Jubbaland, Jubbaland waa maamul ku dhisan dib u hishiisiin waxaana dooneynaa inaan qancino ciddii wax naga tabaneyso”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Maamulka Jubba ayaa horay u sheegay iney xiriirka u jareen dowlada Soomaaliya kadib markii sharci daro laga dhigay baarlamaanka maamulkaasi uu yeeshay bilooyin ka hor,

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada