Xog: Magacyada iyo beelaha afartii nin ee weeraray shirka Cadaado iyo sida lagu ogaaday shirqoolka

Xog: Magacyada iyo beelaha afartii nin ee weeraray shirka Cadaado iyo sida lagu ogaaday shirqoolka

daajis.com:- Afarta nin ee weerarka ku qaaday Xarunta Kafaalo ee Magaaladda Cadaado ayaa markii ugu horeeysay la helay magacyadooda iyo qabiiladooda sida lagu ogaaday baaritaan la sameeyey.

Ragga la dilay iyo kuwa isqarxiyay ayaa lagu kala magacaabaa :-

1 – Muuse Cabdinasir oo u dhashay Ogaadeen.

2 – Yuusuf Cabdullahi oo u dhashay Ogaadeen

3 – Keyse Axmednaasir oo u dhashay Isaaq

4 – Ciise Jamac oo u dhashay Isaaq.

Muuse Cabdinasir oo ka mid ahaay raggii weerarka Kafaalo lagu dilay wuxuu xirnaa Suun ka sameeysan Calanka Ethiopia, wuxuuna degaanka Afdheer ee Ismaamulka Soomaalida DDSI ka tegay afar bilood ka hor, isagoo Al-Shabaab ku biiray bishii March 2015.

Weerarka Cadaado wuxuu qorshaha argagixisada ahaa  iney fuliyaan laba gaari, hase yeeshee mid ayaa baxsaday oo la xaqiijiyay inuu Xiin dheer dib ugu laabtay.

Haweeneey arri raacato ah ayaa soo sheegtay shalayto 17 June 2015 inay aragtay dableey ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku diyaarinaayay meel ku dhaw Jiidda Caade kibir.

Dableeyda Al-Shabaab oo la rumeeysan yahay iney weerar ka soo qaadeen dhinaca Xarardheere waxeey horey u soo wateen Laba Caruur ah kuwaas oo ay weydiisteen in la tuso Xarunta ay ku shiraan Odayaasha Beelaha ee lagu magacaabo Kafaalo.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda NISA ee Cadaado jooga ayaa sheegay iney habeenimadii xalay oo dhan difaac ku jireen kadib markii ay dad kala duwan u soo sheegeen inay ku soo wajahan yihiin Cadaado.

Waxaa la is-weeydiinayaa sida uu ku baxsaday gaarigii labaad oo raadkiisa looga soo haray Degaanka Baxdo .

Weerarka Al-Shabaab ku qaadeen Cadaado wuxuu ka marqaati kacay inuu bartilmaameedkeedu yahay degaano beelo gaar ah si ay u cuuryaamiyaan.

Maamulka Ximin iyo Xeeb, Saraakiisha Taliska NISA iyo kan Boliiska Soomaaliyeed wax wara kama soo saarin weli, hase yeeshee waxaa muhiim ah in la sugo natiijada baaristooda.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqata inuu weerarkii Al-Shabaab fashilmay maadama aysan jirin wax ay dileen iyo wax ay dhaawaceen, oo iyagii un lagu dilay.

Caasimada Online

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada