Kulan lagu go’aamiyay arrin dhabarjab culus ku ah maleeshiyada A-Shabaab oo ka dhacay…

Kulan lagu go’aamiyay arrin dhabarjab culus ku ah maleeshiyada A-Shabaab oo ka dhacay…

daajis.com:-  Kulan looga hadlay amaanka iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka waddooyinka isku xira degmooyinka la xureeyo ayaa maanta ka dhacay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Kulanka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya saraakiisha hogaamineyso iyo saraakiisha ciidamada dowlada Ethiopia ee ka howlgalaya degmooyinka gobolada Baay iyo Bakool, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee Bakool.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bakool ayaa sheegay in kulanka dhexmaray saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia laga soo saaray qodobo dhanka amaanka ah.

Waxyaabaha la isla gartay ayuu ku sheegay iney tahay in tuulo walbaa oo la qabtaa la dhigo ciidamo tababar ka helay dowlada Ethiopia iyo ciidamo dowlada Ethiopia ka socda si looga hortago weerarada dhaba gal ah oo ay sameeyaan ciidamada Alshabaab.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka Bakool ayaa sheegay in sanadkaan aad looga feejigan yahay in Alshabaab weeraradii looga bartay oo kale ay sameeyaan, isagoo xusay in ciidamo badan loo tababaray dowlada Soomaaliya iyagoo garab ka helaya ciidamada Ethiopia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada