daajis.com:- Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weeraradii caawa afurkii lagu qaaday Hoteelada Wehliye iyo Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana sii kordhaya khasaaraha ay geysteen maliishiyadii soo weerartay xili loo fadhiyay afurkii.
Hay’adda Nabadsugida NISA ayaa sheegtay in hotel Siyaad ay ku dileen labo ka mid ah kooxdii weerartay hotelka halka saddex kalana ay is qarxisay.
Sidoo kale Hotel Weheliye ayey sheegtay Hay’ada NISA in mid ka mid ah kooxdii weerartay uu is qarxiyay halka saddex kalana ay ciidamada nabadsugida ay dileen.
Wasiirka amniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Wasiirka gaashaandhiga C/qaadir Sh. Cali Diini oo booqday hotelka SIyaad ayaa warbixin aan dhameystirneyn siiyay saxaafadda, iyagoo sheegay in ciidamada amaanka ay ku guuleysteen inay ka hortagaan khasaaraha ay geysan rabeen maliishiyada ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana dhamaantood la toogtay.
Wasiirka Amniga waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay isdajiyaan oo ay xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga, si looga hortago falalka ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.
Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyay howlgallka ay ciidamada amniga ku soo afjareen weerarkii caawa ay Al-shabaab ku soo qaadeen Hotellada Siyaad iyo Wehliye ee Muqdisho, halkaasi oo gebi ahaanba lagu qaarajiyay kooxihii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka Al-SHabaab Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamadooda ay xasuuq ka geysteen hoteelada Wehliye iyo Siyaad isla markaana ay ku dileen ilaa 20 qof.
Dowladda wax war ah oo ka baxsan soo afjarida weeraradan ma aysan sheegin, inkastoo wararka soo baxaya ay tilmaamayaan in labo xildhibaan ay ku dhaawacmeen iyo siyaasiga Aadan Gabyow.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:47 and have
, Published at