In Badan Oo Kugu Filan Ka Baro Sifaadka Cajiibka Ah Ee LAgu Garto Marwada Buuxisa Indhaha Seygeeda.!!

In Badan Oo Kugu Filan Ka Baro Sifaadka Cajiibka Ah Ee LAgu Garto Marwada Buuxisa Indhaha Seygeeda.!!

daajis.com:- Haddaba marwoy ma is weydiisay waxa uu jecel yahay saygaagu mase isku daydaa in aad noqoto mid buuxisa indhihiisa haddaad ku fakarayso in aad buuxiso indhaha saygaaga la imow ikhlaas iyo in aad si dhab ah ugu xirnaato rabbi, kaddibna raac tilmaamahan:-

1-EDEB IYO IXTIRAAM: raggu wuxuu jecelyahay gabadha edebta badan, ixtiraamka badan, ixtiraamta saygeeda iyo waliba dhammaan dadka kale.

2-DABACSANAAN : gabadhu waa in ay  u dabacsanaataa saygeeda mar walba raggu ma jecla gabadha ad-adag marka ay la joogto saygeeda waa in aad mar walba u dabacsanaataa una dhega nuglaataa.

3-RUN IYO WALIBA SARAAXO: raggu ma jecla gabadha beenta badan wax is daba marisa, mar walba ku sifow runta marwayahay oo wax walba u sheeg saygaaga ha yaraato ama ha weynaatee, yuusan cid kale ka maqlin wax aad ka qarisay ama aad uga been sheegtay.

4-DEGGANAAN: raggu mar walba wuxuu jecelyahay gabadha deggan ee aan lahayn inficaaliyada.


5- SABAR IYO DULQAAD.

6-DHAQAN IYO DABCI WANAAGSAN .

7-MAXABBO: gabadhu waa in ay is jeclaysiisaa oo ay isu jejebisaa saygeeda waana sifaadka lagu tilmaamay gabdhaha jannada  xuural ciinta عرباً اتراباً) ).

8-THAQAAFAD: gabadhu waa in ay tahay mid cilmi iyo thaqaafaba leh si ay u fahanto waxa laga rabo.

9-KU XADGUDUB LA’ AAN MAALKA SAYGA: raggu wuxuu jecelyahay gabadha wax dhaqaalaysa  ee aan ku cayaarin maalkiisa ama aan ka dalbin wax aan laazim ahayn iyo wax markaa keenaya israaf .

10-IS-QURXIN: mar walba raggu wuxuu jecelyahay gabdha qurxoon oo saacad walba ilaalisa jismigeeda iyo quruxdeeda mar walbana isu qurxisa saygeeda bannaanka markay aadeysana asturan.

9-XIFDINTA SIRTA GURIGA: marwayahay ha u bixinnin bannaanka sirta gurigaaga waa amaano laguu dhiibaye, ha dayicin ammaanada.

11- IHTIMAAM: mar walba u muuji saygaaga in uu asagu leeyahay ihtimaamkaada oo dhan, haka mashquulin xilliga uu u baahan yahay ihtimaamkaaga .

12-KAMAAR MID LA,AAN: mar walba u sheeg in aadan ka maarmin, maqashii dhagahiisa waxa uu ku farxayo qalbigiisu.

MARWAYAHAY sifaadkaas oo buuxa haddaad la timaad ogow waad buuxisay indhaha saygaaga inshaa-allaah iska ilaali mar walba wax walba oo nusqaan ku keenaya noloshaada iyo tan saygaaga.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada