daajis.com:- Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee dalka Kenya ayaa baadigoob xoogan ugu jira rag ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al shabaab oo ku dhuumaalaysanaya gudaha dalka Kenya.
Ciidamada sida qaaska ah u tababaran ee dalka Kenya ayaa Xalay weeraray guryo ay daganyihiin ragan looga shakisanyaha inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, guryahan ayaa ku yaala magaalada Xeebta ah ee Mombasa.
Ragan la baadi goobayo ayaa ka baxsay goobihii ay ku sugnaayeen iyadoo boolisku uu u malaynayo in ragani loo sii sheegay in la soo weerarayo, Booliska ayaa sheegeey inaysan joojin doonin baadigoobka ay ku hayaan ragani.
Hoose ka Daawo
Taliyaha waaxda Dambi Baarista Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Henry Ondiek ayaa sheegay in Fariid Cumar Cawad iyo rag kale oo la socday ay dhawaan kasoo laabteen dalka Soomaaliya, ayna qorsheynayeen in gudaha dalka Kenya ay ka geystaan weeraro Argagixiso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:00 and have
