daajis.com:- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Maamulka Somaliland ay qeyb ka yihiin qorshaha Wadatashiga Socda, taa uu tilmaamay in Soomaali oo dhan ay qeyb ka tahay.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in meel fiican ay marayaan wada hadaladii u socday dowladda Federaalka iyo maamulka Somailand, isagoo intaa ku daray in sida duruufaha ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan shirarka wadatashiga.
“Howshan aan bilownay, waxaan dhahnay waa wax ay Soomaali oo dhan ay ku jirto, dabcan Somaliland walaalaheena mabda’a ahaan howshan waa ka mid, hadba wixii fursad u helno ayay uga mid noqonayaan iyo sidii ay duruufuhu noogo ogolaadaan, waa ka wada shaqeyn doonaan”Ayuu Yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay iney meel wanaagsan marayaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland isla markaana hada loo gudbayo waji cusub sida uu yiri
“Arrinta wada hadalka ee horay u socotay meel fiican ayay mareysaa hadda ayay waji cusub u soo gudbeysaa rajadeeda aad iyo aad ayay u fiican tahay, middaan hadda socota mar walba wixii Soomaaliya iyo soomaalida u daneynayo waa ka wada shaqeyn doonaa”ayuu yiri Madaxweynaha.
Maamulka Somaliland ayaan hada qeyb ka aheyn Maamul goboleedyada dalka ka jira ee ka qeyb galaya shirka wadatashiga aayaha Siyaasadeed ee dalka marka la gaaro 2016-ka, shirkan oo kasocda Muqdisho waxaa ka qeyb galaya Maamul Goboleedyada kale ee dalka ka jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at