Wafdi ka socda Dowladda Finland oo Muqdisho yimid lana kulmay mas’uuliyiin: Sawirro

Wafdi ka socda Dowladda Finland oo Muqdisho yimid lana kulmay mas’uuliyiin: Sawirro

daajis.com:- Wafdi ka socda dowladda Finland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaayo wakiilka gaarka ah ee wasiirka Arrimaha Dibedda Finland Pekka Haavisto, isagoo la kulmay Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Axmed Cali Kadiye.

Kulanka labada masuul oo ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa warbixin ka siiyey Mr. Pekka Haavisto horumarka Soomaaliya ka socda iyo sida loogu baahan yahay in gacan ay dowladda Finland ka geysato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, siyaasadda ammaanka iyo waxbarashada.

Mr. Pekka Haavisto, Wakiilka gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland, ayaa sheegay in uu aad  ugu faraxsan yahay sida Muqdisho loogu soo dhoweeyey iyo horumarka ay gaarta dowladda Soomaaliya saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxa uu intaa raaciyey in warbixin wanaagsan uu u gudbin doono dowladdiisa, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay gacan buuxdo ka geystaan taageerada Soomaaliya.

Mr. Pekka Haavisto ayaa xusay in dhowaan ay bilaaban doonaan Mashaariic ballaaran oo ay dowladda Finland qorsheeneyso in ay ka fuliso gobollada dalka Soomaaliya qaarkood, kuwaas oo waxtar u lahaan doona nolosha dadweynaha Soomaaliyeed.




Wasiir ku xigeen Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey Mr. Pekka Haavisto booqashadiisa Soomaaliya  uu ku timid iyo guud ahaan dowladda Finland, waxa uuna sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo labada dal, loona baahan yahay in laga faa’ideysto si looga wada qeyb-qaato  dadaalka hadda socda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada