Xildibaan:- Dalxa oo 30 tahriibayaal ah ka iibiyay Fiisooyin waxbarasho oo ay Masar bixisay

Xildibaan:- Dalxa oo 30 tahriibayaal ah ka iibiyay Fiisooyin waxbarasho oo ay Masar bixisay

daajis.com:-  Masuuliyiin ka tirsan Doowlada Federaalka ayaa sida la xaqiijiyay waxay ka macaashaan waxbarashada bilaashka ah ee dibada uga timaada ardayda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah gudoomiyaha guddiga arrimaha dibada Baarlamanka Soomaaliya, sidoo kalena xubin ka ah Xildhibaanada Jaamacada Carabta, ayaa warar hoose oo soo baxaya waxay sheegayaan, inuu iibsaday Fiisooyin waxbarasho oo Bilaash ah oo doowlada Masar ay ugu tala gashay ardayda Soomaaliyeed.

Wararku waxay sheegayaan in Xildhibaan Dalxa uu 30 qof oo tahriibayaal ah ka iibsaday Fiisooyin waxbarasho oo bilaash ah.

DalxaRuux kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Qahira ee dalka Masar oo u waramay Warfaafiye.com, ayaa u xaqiijiyay in 4 dhalinyaro ah oo kamid ah dadka laga soo iibsaday Fiisooyinka waxbarashada ay Gurigiisa ka tahriibeen, hadana ay joogaan magaalada Alexanderia gaar ahaan xeebta, halkaasoo inta badan Soomaalida tahriib doonka ah ay ka raacaan Doomo.

Ruuxaan diiday inaan magaciisa soo xigano, ayaa sidoo kale Warfaafiye u sheegay in 30ka qof qof kastoo kamid ah Xildhibaan Dalxa uu ka qaaday lacag dhan 4,000$.

Inta badan Hay’adaha DF ee ku shuqulka leh arrimaha waxbarashada ayaa waxaa lagu eedeeyaa musuq maasuq ceynkaan oo kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada