Al-Shabaab oo kala jabtay + Garab ku biiray ISIS

Al-Shabaab oo kala jabtay + Garab ku biiray ISIS

daajis.com:- Warar ay faafiyeen xubno ka tirsan Alshabaab ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ka tirsan ee saldhigeedu yahay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, degaanada Puntland ay ku biireen Ururka Daacish iyo Khilaafada uu hogaamiyo Abuubakar Albaghdadi ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya ka dhisan.

Wararkan oo lagu faafiyay baraha twitter-ka ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha kooxda Alshabaab ee Buuraha Galgala Sheekh C/qaadir Muumin uu caddeystay inuu u hogaansan yahay Daacish, taasoo haddii dhab noqoto caddeyn u ah inay kala jabtay kooxda Alshabaab oo hogaankeeda sare uu si weyn uga hor yimid dadaalo ay wadeen dhalinyarada kooxda oo ahaa inay ku biiraan Daacish.

Dhowaan ayaa kooxda Alshabaab waxay gobolka Jubadda Dhexe ku xirxirtay ajaaniib Alshabab ka tirsan oo doonayay in ururka Alshabaab ku biiro Daacish, waxaana jiray baaqyo loo jeediyay ururka oo ku saabsan inuu u wareego Daacish, iyadoo baaqii ugu danbeeyay ka yimid hogaaminaya Boko Haram oo ka dhisan Galbeedka Afrika.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada