Arrin yaab leh oo laga sheegay Diyaaradii ku dhacday duuleedka Afgooye

Arrin yaab leh oo laga sheegay Diyaaradii ku dhacday duuleedka Afgooye

daajis.com:- Iyadoo diyaarad kasoo duushay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ay kusoo dhacday duleedka Degmada Afgooye ayaa waxaa la soo sheegayaa in diyaaradaasi ay iminka gacanta ugu jirto Al-shabaab.

Afhayeenka Mamaulka Gobolka Shabeellaha hoose Max’ed Xusen Shiino, ayaa si rasmi ah mar kale u xaqiijiyay in diyaaradaasi ay heystaan Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaana ay u rarneyd DF Somalia, sida uu cadeeyay Shiino.
Waxa uu Afhayeenka sheegay in halka ay ku dhacday Diyaaradda ay ka taliyaan Al-shabaab,sidaa darteedna aysan u fududeyn in ay tagaan.

Waxa uu tilmaamay in diyaaradu ay leedahay mid kamid ah Dowladaha gacansaarka la leh DF Somalia, waxa uuna intaa hadalkiisa kusii daray inay siday Hub iyo Saanad Militeri sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaa raaciyay in Ciidamada Dowlada gaar ahaan Nabadsugida, Militeriga ay ka baxeen Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Sh/hoose balse aysan wali u saamixin inay u dhawaadan goobta ay kusoo dhacday diyaarada.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay in Dowladu ay ku rajo weyn tahay inay badbaadsato saanadaasi loo siday, waxa uuna carabaabay in qorshuhu yahay in lagu kiciyo diyaaradaha dagaalka AMISOM si fursad loogu helo badbaadinta Hubkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada