Daawo:- Nin Maanta Weerar ku Qaaday ISkool ku yaal Dalka SWEDEN

Daawo:- Nin Maanta Weerar ku Qaaday ISkool ku yaal Dalka SWEDEN

daajis.com:- Nin maanta weerar ku qaaday Iskool ku yaala Magaalada Trollhattan ayaa la sheegay inuu wajiga ku soo xirtay maaskarad kadibna uu Seef la dhex maray arday ku sugnaa Iskuulka Kronan school oo ku yaalla dalka Sweden.

Ninkani ayaa Seefta uu watay waxa uu ku dilay Hal Ruux, halka 4 kalane uu gaarsiiyay dhaawac culus, kuwaasi oo loola cararay goobaha Caafimaadka.


Ciidamada Booliska oo durbadiiba goobta gaaray ayaa Toogtay ruuxaasi, iyadoona ay Ciidamadu sheegeen in u jeedkiisu ahaa inuu saf ka maro dhamaan Ardaydii iskuulka ku sugneyd.

Ninkan Weerarka ku soo qaaday iskoolka ayaa isagana la dhaawacay waxaana isna la dhigay Isbitaal kuyaal magaaladaasi si loo dabiibo, waxaana halkaasi dhaawiciisa ku ilaalinaaya Ciidamada Booliska.

Saraakiisha Booliska oo goobta kula hadashay Saxaafada ayaa sheegay in goortii ay halkaasi gaaren ay dadka ku jireen Jahwareer waxa ayna arintaani ka dhacday iskuul ku yaalla Magaalada Trollahattan ee galbeedka dalka Swedan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada