daajis.com:- Nin hubeesan oo Falastiini ah ayaa weerar waxa uu ku qaaday goob basaska laga raaco oo kutaala Magaalada Beer Sheva, waxa uuna weerarkaasi ku dilay askari katirsan Ciidanka Yahuuda halka dhoor qof kalana uu ku dhaawacay.
Warbaahinta qaarkood ayaa tabinaya in ninka weerarka qaatay uu watay bistoolad iyo midi, waxa uuna markii hore toogtay askari Yahuudi isagoona ka qaatay qorigii uu watay kadibna rasaas xoogan ku furay dad badan oo Yahuud ah oo goobtaasi ku sugnaa.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa ku dhintay askari Yahuudi ah waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed kale ay ku jiraan askar Yahuud ah, kuwaa oo qaarkood dhaawacyadooda la sheegay in ay halis yihiin.
Ciidamada Yahuuda ayaa markii dambe toogtay ninkii falastiiniga ahaa ee weerarka fuliyay, waxa ay sidoo kale Ciidamada Israa’il toogteen nin Ereterian ah oo halkaasi ka agdhawaa kaa ay isna uga shakiyeen Weerarka.
Khalalaasaha u dhaxeeya Shacabka Gobanimodoonka ee Reer Falastiin iyo Yahuuda Israa’il ayaa sii kordhaya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhulka ay Yahuuda xooga ku heesato ka dhacay Weeraro badan oo waxyeelo loogu geestay dad Yahuud ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at