DEG DEG Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo oo hadda ka socda…

DEG DEG Dagaal hub culus leysu adeegsanaayo oo hadda ka socda…

daajis.com:- War goordhow naga soo gaaray bartamaha Magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in halkaasi uu hadda ka socdo dagaal qaraaran oo u dhexeeyo Maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka ayaa la soo sheegayaa in leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo warinayaa in iminka uu hakat galay ganacsiga magaaladaasi.

Sidoo kale, dagaalka ayaa la xaqiijiyay inuu ku saleysan yahay arrimo la xiriira Maamulka Gobolka, waxa uuna yahay mid si gaar ah ugu dhexeeya laba beel oo halkaasi wada dega.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hubka qaar ay ku dhacayaan xaafadaha, islamarkaana uu jiro khasaaro farabadan oo labada dhinac iyo dadka deegaanka soo gaaray.

Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka iminka socda balse waxaa la soo sheegayaa inuu yahay mid aad u culus.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada