daajis.com:- Dhalinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.
Xeer Ilaaliyaha Minnesota ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in koox dhalinyaro Somali Mareykan ah oo gaaraya sagaal ruux horay lagu soo eedeeyay inay doonayeen inay u safraan bariga Dhexe, si ay ugu biiraan Daacish.
Afhayeen u hadlay Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in raggan oo shan ka mid ah ay xiran yihiin ay qorshayeen shirqoolo dil ah oo ay ka fuliyaan gudaha Mareykanka.
Saddex ka mid ah dhalinyaradaas ayaa qirtay inay damacsanaayeen inay ku biiraan Daacish, sida xeer ilaalintu sheegtay.
Dacwada shanta ruux ayaa bilaaban doonta bisha Febraayo, waxaana magacyadooda lagu sheegay Guled Omar, Hamza Ahmed, Adnan, Mohamed Farah, iyo Abdirahman Daud kuwaasi oo Xabsi ku sii jiri doona.
Qareenada u doodaya raggaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha cusub ee lagu soo oogay,
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah meesha ugu badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed marka loo fiiriyo Mareynkanka intiisa kale.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at