Donald Trump : Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Masaajidada Albaabada iskugu laabo Haddii aad ii Doorataan Madaxweyne

Donald Trump : Waxaan Diyaar U Ahay Inaan Masaajidada Albaabada iskugu laabo Haddii aad ii Doorataan Madaxweyne

daajis.com:- Marashaxa madaxweyne ee xisbiga jamhuuriga dalka Maraykanka  ninka la yiraahdo Donald Trump ayaa  sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu masaajidda albaabada iskugu dhufan doono si uu la dagaalamo daacish.

Waraysi uu la yeeshay Janalka Fox Business ayaa Trump la waydiiyay in hadii la doorto uu qaadi karo talaabooyin la mid ah tan ay qaaday xukuumadda Ingiriiska  oo ah in dad xagjir lagu eedeeyay ay dalkeeda ka tarxiishay iyo inay masaajida qaar albaabada iskugu laabtay ?

Waxa uu ku jawaabay “waan samaynayaa sidaas oo waa la hubaa , waa arin wayn , haddii aad daacish kasoo garab dagaalantay inaad soo noqoto maaha, waan samayn karnaa sidaa.

Wariyihii ayaa waydiiyay masaajid Ma xiri kartaa , adigoo og in xoriyad diineen ka jirto dalka Maraykanka ?


Waxa uu ku jawaabay :”ma ogi , laakiin anigu ma maqal masaajid la xiray ,  waxaan ku oran kaar haddii qofi qaanuunka ku gafo uu doono inuu daacish ka garab dagaalamo , ma ogolaanayo inuu Maraykanka dib ugu soo laabto dalka Maraykanka “.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada