daajis.com:- Qoraa caan ah oo u dhashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo lagu magacaabo Raif Badawi, ayaa ku guuleestay abaal marin sanadkiiba mar la siiyo dadka u dagaalama xuquuqda aadana iyo waliba Dimuquraadiyada.
Abaalmarintan oo loogu magac daray Sakharov , waxaa sanadkiiba mar bixiya baarlamaanka Yurub, waxaana sanadkan loo gartay in la siiyo Raif Badawi , oo ku jira Xabsi kuyaala Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Qoraagan oo wax ku daabici jiray bar Internetka ah oo lagu magacaabo Free Saudi Liberals, ayaa loo heestaa in uu u gafay diinta Islaamka qoraalo aan wanaagsaneyna uu qoray, waxaana lagu riday xabsi 10-sano ah iyo kun karbaash.
Gudoomiyaha baarlamaanka Yurub Martin Schulz, oo ka hadlay abaalmarintan ay bixiyeen ayaa ugu baaqay boqorka Sacuudiga Boqor Salman inuu soo daayo Raif Badawi si uu abaalmarinta la siiyay u aqbalo.
Abaalmarintan uu bixiyo Baarlamaanka Yurub ayaa loogu magac daray seynisyahan u dhashay Dalka Ruushka oo lagu magacaabo Andrei Sakharov, waxaana sanadkiiba mar la siiyaa dadka loo garto in ay u ololeeyaan Dimuquradaiyada iyo Xuquuqda Aadanaha.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 13:36 and have

