Maamulada Puntland, Somaliland, iyo Khaatumo Oo Daaqadda Laga Saarayo Ka Dib Markii..

Maamulada Puntland, Somaliland, iyo Khaatumo Oo Daaqadda Laga Saarayo Ka Dib Markii..

daajis.com:- Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kullan ballaaran oo looga hadlayay maamul loo sameeyo gobalada Sool iyo Sanaag, waxaana ka qeybgalay Odayaal dhaqameed, xildhibaanno ka tirsan maamulka Khaatumo iyo siyaasiyiin.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeybgalay kulankaasi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in maamul gobaleed loo sameeyo gobaladaasi, si ay uga mid noqdaan dowlad gobaleedyada Federaalka.

Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa Idaacadda Goobjoog la hadlay Maxamed Yuusuf Jaamac Indho Sheel oo mar soo noqday madaxweynaha Khaatumo, waxaana uu sheegay in la’isla gartay in la helo maamul mideeya Sool iyo Sanaag.

Waxa uu sheegay in shacabka ku dhaqan Labadaasi gobal ay xaq u leeyihiin inay helaan maamul ka shaqeeya horumarkooda, islamarkaana dadkaasi qeybtooda ka siiya horumarka la hiigsanayo.

Indho Sheel ayaa ugu dambeyn ugu baaqay guud ahaan shacabka deggan Sool iyo Sanaag in ay u istaagaan sidii ay u heli lahaayeen maamul ay xur u yihiin, kana tirsan dowladda Federaalka ah.

Gobalada Sool iyo Sanaag waxaa ka taagan muran badan oo xagga maamulk ah, iyadoo halkaasi ay isku haystaan maamullada kala ah Somaliland, Khaatumo iyo Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada