daajis.com:- Hay’adaha Qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqday in Somalia laga waayay cudurka dabeysa oo sanadihii 2013-2014 laga heley cudurka dabeysha meelo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya uuna saameeyay dad ku dhow 200 qof oo caruur u badnaa.
Waxbixin ay si wadajir ah u soo saareen hey’adaha UNICEF, WHO iyo hey’adda caalamiga ah ee ka shaqeeya ciribtirka cudurka Dabeesha ayaa go’aankaan ku dhawaaqay.
talaalMadaxa Isku dubaridka gargaarka ee Soomaaliya Peter de Clercq ayaa sheegay in guulaha arintan laga gaaray ay sharafteeda leeyihiin mutadawaciinta Soomaalida ah kuwaas oo naftooda khatar u geliyay sidii ay u badbaadin lahaayeen nolashada dad oo Soomaaliyeed.
Isagoo dowladda Soomaaliyana ku amaanay la dagaalanka cudurkan si wadanka looga ciribtiro.
“Madaxda Soomaalida waxaa ay cudurka Dabeesha ka dhigeen mudnaanta koowaad ee qaranka ayagoo sameeyay dadaal xoog badan si carruurta oo dhan tallaalka u qaataan,” ayuu yiri .
Cudurka Dabeesha ayaa laga heley Soomaaliya sanadkii 2013 bishii Maay, taas oo aheyd markii ugu horeysay muddo lix sano ah, kadib markii waalidiinta gabar labo sano jir ah oo Muqdisho jooga la arkay ayadoo aan socon Karin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:11 and have
, Published at