Sheekh Shariif oo olole ugu jira Doorashada 2016-ka iyo taageerayaashiisa oo fadhiga ka kacay

Sheekh Shariif oo olole ugu jira Doorashada 2016-ka iyo taageerayaashiisa oo fadhiga ka kacay

daajis.com:-  Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in mar kale uu isku soo sharaxo doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo marka la gaaro 2016-ka ayna dhamaato waqtiga Dowlada hada jirta

Sheekh Shariif ayaa ahaa hogaamiye aad loo jeclaa dad badana ay taageere u yihiin, waxaana durba bilowday olole ku aadan sidii mar kale Sheekh Shariif uu isku soo sharixi lahaa uguna guuleesan lahaa Doorashada dalka ka dhacdeysa 2016-ka.

Xubno u ololeenaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa durba kulamo ay taageero ugu raadinayaan hogaamiyahaasi ka bilaabay Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska, waxa ayna xubnahan kulamo la leeyihiin Soomaalida kunool halkaasi si ay taageero ugu raadiyaan Sheekh Shariif.

Waxaa sidoo kale ololaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ka wada Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaano kasoo jeeda Beelaha Abgaal iyo Murusade iyo Xildhibanao kale ee kasoo jeeda beelaha kale.

Xildhibaanada Ololaha u wada ee kasoo jeeda Beelaha Murusade iyo Abgaal ayaa ah kuwa xubno ka ah Kooxda Aalla Sheekh, waxaana dhawaan idin soo gudbin doonaa xogta arintaasi ku aadan iyo Xildhibanadaa u xil saaran ololahan.

Kooxda Aalla Sheekh uu katirsan yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in ay soo sharaxdaan una u matalo doorashada dhaceysa2016 ka waxaana la rajeenayaa in kooxdaasi guuleesato hadii ay mar kale soo sharaxdaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Hogaamiye taageero badan leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada