Somaliya oo noqotay dalka ugu xun ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta

Somaliya oo noqotay dalka ugu xun ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta

daajis.com:- Warbixin ay soo saartay Hay’adda CPJ, ayaa waxaa maanta lagu sheegay in Somaliya ay noqotay dalka ugu nugul ee dhibaato loogu gaysto Suxufiyiinta.

Tan iyo sanadkii 2008-dii, ayaa dalka ugu halista badan ee Suxufiyiinta lagu dhibaateeyo waxaa lagu sheegay Ciraaq, oo dhibaatadaa ay ka dhalatay duulaankii uu Mareykanka ku qaaday 2003-dii.

Warbixinta CPJ, ayaa waxaa lagu sheegay in boqolkiba sagaashan iyo lix (96%) Suxufiyiinta lagu dhibaateeyo Somaliya, ay yihiin kuwo dalka u dhashay, isla-markaana ay dhibaatadaa ku dhacayso ugu dhaceyso si joogto ah.

CPJ waxay sheegtay in Suxufiyiinta Somaliya ay wajahayan cago juglayn, cadaadis, xarig iyo dilba, iyadoo xustay in daruufo adag oo kala duwan ay ku shaqaynayan Wariye-yaasha.

Warbixintan, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli maalintii Arbacada Xabsiga Godka Jilicow EE Waqooyiga Magaalada Muqdisho laga sii daayay Agaasimaha Telefishinka Universal Ee Afrikada Bari, C/laahi Xersi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad, oo lix cisho ku xirnaa Godka Jilicow.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada