Amaanka Nairobi oo la adkeeyay cabsi Al-Shabab laga qabo awgeed

Amaanka Nairobi oo la adkeeyay cabsi Al-Shabab laga qabo awgeed

daajis.com:- Amaanka magaalada Nairobi ayaa aad loo adkeeyay saacado kadib markii weeraro khasaara badan geystay lagu qaaday magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska

Ciidamo aad u tiro badan ayaa la geeyay dhowr goobood oo muhiim ah oo ku yaaala caasimada Nairobi sababtuna waxay tahay dawlada Kenya ayaa ka cabsi qabta in Al-Shabab weerar la mid ah kan Paris ka dhacay ay Nairobi ku qaadaan .

Taliyaha booliska Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamadu ay la shaqaynayaan dadka Kenya si ay amaanka sugaan waxaana uu sheegay inay heleen xog ku saabsan in Xarakadda Al-Shabab maleegayso weerar la mid ah kan Daacish ku qaaday caasimada Faransiiska.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay in digniinaha la helayo ay keentay inay feejignaan galaan sida uu yiri.


Sidoo kale M/weynaha Kenya Uhhuru Kenyatta ayaa asna sheegay inay heegan galiiyeen ciidamadooda si ay dadkooda uga bad baadshaan weerarka dhanka Al-Shabab uga yimaada.

Al-Shabab dhowr jeer ayay weerareen gudaha wadanka Kenya oo ay xataa caasimada ku jirto.

Weerarka Paris oo ah Daacish ay sheegatay waxaay ku goodiyeen inay sii xoojinayaan weerarada Faransiiska ka dhanka ah inta Faransiisku qeyb ka yahay isbahaysiga Daacish ka dhanka ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada