daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay Xuseen Carab Ciise iyo Xildhibaano Kale oo kamid noqon doona xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Doorashadan ayaa waxa ay aheyd mid aad u xiiso badan, maadaama kuraasta qaar ay ku tartamayeen xubno caan ah iyo siyaasiyiin la yaqaan.
Xubnaha maanta lagu doortay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ahaayeen ilaa 4 Mudane, maadaama ay horey u sheegeen Guddiga Doorashooyinka in maanta la dooran doono 4 xildhibaan oo kaliya.
Xubnaha maanta la doortay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise oo mar kale nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanada maanta la soo doortay ayaa waxa ay kala ahaayeen, Biixi Imaan Cige, Cabdirisaq Dahir Mohamud, Sicid Mohamed Mohamud iyo Xuseen Carab Ciise.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at