MUUQAAL: Gudoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo Khudbad Ka hor jeediyey Baarlamanka Soomaaliya

MUUQAAL: Gudoomiyaha Baarlamanka Jabuuti oo Khudbad Ka hor jeediyey Baarlamanka Soomaaliya

daajis.com:- Xubanaha Golaha Shacabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay Kulankii 33 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka waxaa soo xaadiray 173 Xildhibaan, waxaana shir guddoomiyeen Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.


Ugu horreyn Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Warbixinta Guddiga Garsoorka ee ku aadan dhismaha Guddiga Adeega Garsoorka, taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Soomaaliya.

Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in la guda galayo Kulan gaar ah, kaas oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dhaweynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamed Cali Xumad.

Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kaga mahadceliyay Guddoomiye Xumad iyo wafdigiisa booqashada ay ugu imaadeen xarunta Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabauuti Mudane Maxamed Cali Xumad oo Khudbad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyo Baarlamaanada Dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ka dhaxeysa labada Baarlamaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona Booqasho ku tagay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada