Cali Dheere Shabaabka ah oo u hanjabay qabaa'illada dagaalka kala horyimid

Cali Dheere Shabaabka ah oo u hanjabay qabaa'illada dagaalka kala horyimid

daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa dagaal ugu habjabay qabaa’illada is ababaulay ee dagaalka kala horyimid gobollada dalka qaarkood.

Hadalkan waxaa sheegay afhayeenka ururka Al-Shabaab Cali Maxmauud Dheere oo ka hadlay warbaahinta ururka Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo hubeeyey maleeshiyaad qabaa’il si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Dawladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka qabsadeen degaanno badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galmudug. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay shalay in la dilay in ka badan 200 maleeshiyaad Al-Shabaab ah intii ay socdeen hawlgalladan, islamarkaana laga qabsaday ku dhowaad 30 tuulo.

Dhinaca kale, tallaabo u muuqata inay kaga jawaabayaan hadalkii dhowaan uu jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dadku ay ka fogaadaan meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, ayaa af-hayeenka Al-Shabaab Cali Dheere uu sidaasi si la mid ah uu isna sheegay in ururkiisu ay ugu baaqayaan dadweynaha inay ka fogaadaan xarumaha dawladda.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa abaabul ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socday meelo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galmudug, iyo weliba Koonfur Galbeed.

Cabdifataax Xasan Afrax, guddooiyihii hore ee Hiiraan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in, sida uu hadalka u dhigay, jebinta cadawga ay ka dhigan tahay soo laabashada muuqa iyo sharafta qaranka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in guulaha ay gaareen ay horseedi doonaa guulo kale oo keena in Al-Shabaab laga sifeeyo Soomaaliya.

Xildhibana Maalik Cabdalla oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta ka qayb qaadanaya abaabulka kuna sugan Hiiraan ayaa kula dardaarmay dadka deegaanka midnimo iyo wada shaqayn.

Waxa uu sheegay in xilligan ay dadka deegaanku u midoobeen dagaalka Al-Shabaab.


Sidaasi si la mid ah, madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isna ugu baaqay qabaa’illada inay midoobaan, isagoo ka digay in Al-Shabaab ay ka faa’iidaysato kala qaybsanaanta qabaa’illada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u bogaadiyey abaabulka heer degaan ee ay dadku ku qaadeen ururka Al-Shabaab.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada