Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaaliya xaalad caadi ah kuma jirto”

daajis.com:- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow ka hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanadii u dambeeyay oo ay ka mid tahay degmada Aadan Yabaal oo ahaa saldhiggii ugu weynaa Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo laga soo duubay muuqaal soconaya 27 daqiiqo ayuu ku xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay la wareegeen degmada faca weyn ee Aadan Yabaal, iyadoo kooxdii Shabaab ay isaga baxday magaalada, kahor inta aysan soo gelin ciidan isbaheysanaya.

Tani ayuu tilmaamay iney ka dhigan tahay in Shabaab kaga sugan yihiin haatan Hirshabelle oo dhan hal degmo oo qura taasoo ah Runirgood, iyadana saacadaha soo socda la qaban doono, sida uu yiri

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Shabaab ay hore usii afduubteen Shacabkii magaalada oo ay wateen, taasoo sabab uu uga dhigay in koxodan ka cabsi qabto in kaligood la duqeeyo, wuxuu kaloo sheegay in Shabaab ay laba kamid ah ceelashii Aadan Yabaal ay ka siibteen Bambadii uu ku shaqeynayay.

“Aadan Yabaal waxay ka siibteen labadii Ceel ku tiilay bambooyinkii biyaha shacabkiina inta afduubeen ayey kaxeysteen,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.


Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale sheegay in dalka uu ku jiro xaalad aan caadi eheyn, isagoo ka digay dadka taageerada u muujinaya kooxda Al-Shabaab.

“Soomaaliya Xaalad caadi ah kuma jirto, xaalad ay is xoreyneyso oo gobaninadeed ay soo ceshaneyso ayey ku jirtaa, xaaladaas waxbey naga mudan tahay, dadka Soomaaliyeed waa iney taageeraan dagaalka lagula jiro Shabaab, banaanka soo istaag hiilo qarsoon hiilo maaha”

Si kastaba, la wareegidda degmada Istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal ayaa loo arki karaa inay tahay bilowga dhammaadka Al-Shabaab ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada