Tahriibayaal lagu laayay xadka dalka Yemen uu la wadaago Sacuudiga

Tahriibayaal lagu laayay xadka dalka Yemen uu la wadaago Sacuudiga

daajis.com:- Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda u doodad xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada ilaalada xudduudaha Sacuudiga lagu eedeeyay inay dad badan ay ku laayeen xadka dalkaasi uu la wadaago Yemen.

Warbixintu waxa ay sheegtay in boqolaal qof oo ay ka mid yihiin tahriibayaal Itoobiyaan ah kana tallaabay xadka dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan la toogtay. Dadkaan ayaa doonayay in ay gaaraan Sacuudiga.

Muhaajiriinta ayaa BBC-da u sheegay in ay xabaddu ka naafeysay kana gooysay qaybo ka mid ah jirkooda sida lugaha, ayna arkeen meydad waddooyinka yaalla. Sacuudi Carabiya ayaa horay u diiday eedeymaha dilalka qorsheysan.

Warbixinta Human Rights Watch oo cinwaan looga dhigay “waxay noogu soo rideen sidii roobka oo kale”, ayaa tahriibayaashu ku sheegeen in booliska iyo askarta Sucuudiga ay rasaas ku furaan mararka qaarna ay la beegsadeen walxaha qarxa.


Tahriibayaasha oo ay BBC-du si gaar ah ula xiriirtay ayaa ka hadlay in xilliyada habeenkii ah,oo inta badan ay socdaan muhaajiriin badan oo Itoobiyaan ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan, ay la kulmeen rasaas, xilli ay isku dayeen in ay ka gudbaan xadka iyaga oo shaqo ka raadsanaya dalka Sacuudiga






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada