SMS LOVE: Wicitaankaaga Ayaa Ii Fiican In Uu Iga Kiciyo Halka Uu Alarm-ka Igu Qeylin Lahaa

SMS LOVE: Wicitaankaaga Ayaa Ii Fiican In Uu Iga Kiciyo Halka Uu Alarm-ka Igu Qeylin Lahaa


Subax waliba waxa ay iigu bilaabataa qurux iyadoo ay ii sii raacsan tahay dhawaqaada macaan ee iiga imanayay wicitaanka telefoonka .
Waana mid iigu wanaagsan ee aan kaga dugaashado garbahayga dhaxanta ku dhacaysay ee iiga imaanaysay banaanka hore waxa ayna ii tahay difaac .
Teeda kale codkaaaga macaan ee isoo toosiyay sitayna qosolka iyo dhoola cadeynta waa midka labaad ee iigu wanaagsan ee aan arko subaxdii markasta oo aan garbahayga isku dhajiyo .
Kadib marki aan kula wadaago arinta kale ee cajiibka ii ah ee “waa ku jeclahay” teleefonka markasta waxa ay iga dhigtaa ruux dhoolacadaynaya telkana aad ayaa u celiyaa maxaa yeelay waxaa igu socda hadalkii iigu macaanaa.
Tan labaad ee fiican waa eegmada indhahaaga ee ay lasocdaan erayada , si qoto dheerna aan u awoodo in aan ku dhunkado iyo kala qaadashada qabowga iyo qandaca wacan ee ka imaanaya jirkeena.
Waxa aad tahay qofka kaliya ee iigu sokeeyo adduunka oo dhan mana jiro qof ii labeyn karo , waxa aadna ku taalaa meesha uu wadnahu kabilowda mana ka go’did waana halka aan kaa dareemo . kol kasto oo aad iga dheer tahay waad ii dhawdahay.
Halka kaliya ee aan indhahayga ku xiri karo , kana maqli karo codkaaga , dhagaysankaro qosolkaaga iyo dareenka “ waa ku jeclahay”; fadlan joogtee wicitaankayga aroortii , mana jiro mid ka fiican wicitaankaaga oo waa ay ka wanaagsantahay in alarm- ka saacada igu qeyliyo , mana jirto in aan adiga qof aan ahayn kubilaabo howl maalmeedkayga maalinimo .

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada