Tartamada fanka oo si habsami leh uga socda Muqdisho, kadib Studio casri ah oo la furay (Sawirro)

Tartamada fanka oo si habsami leh uga socda Muqdisho, kadib Studio casri ah oo la furay (Sawirro)


Kadib 25 sano oo dagaalo iyo khilaafyo ay ka jireen dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo bidhaamaya qorshe dib loogu soo nooleynayo fanka iyo muusiga, tartamo dhinaca muusiga iyo fanka ah ayaa waxaa ay u suurto gelinaysaa dhalinyarada inay ku soo bandhigaan awoodooda fanka.
Ilaa iyo kun dhalinyaro oo isugu jira heesaa, gabyaa iyo majaajiliistayaal ka kala socda 16 degmo ee Gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay soo codsadeen in ay ka qeybgalaan tartanka.
Tartankan ayaa waxaa laga daawan doonaa si toos ah taleefishinada dalka iyo idaacadaham waxaa guuleystayaasha soo xuli doona guddi garsoorayaal ah oo ka kooban shaqsiyaad caan ah iyo fanaaniin.
“Waxaan ku farxay inay suurtogal ii noqoto inaan u soo bandhigo awoodeyda Soomaalida oo dhan” ayay tiri Canab Cali Maxamed oo ah gabar 18 jir ah, iyadoo ku sugan barxada golaha murtida iyo madadaalada.
“Waan curin karaa, heesi karaa isla markaana aan jilida ka qeyb qaadan karaa balse illaa iyo hadda ma jirin goob iyo fursad aan awoodeyda ku soo bandhigi karo”ayay tiri
Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aysan ahayn oo kaliya magaalo ganacsi balse tahay magaalo caan ku ah dhinaca dhaqanka iyo muusiga.
“Waxaa jira isbedel xagga maskaxda ah, waxaana aan hadda cagta saarnay sidii aan ugaga soo kaban lahayn annagoo hadda bilownay arrimaha dhaqanka halkii dilka uu ka dhici jiray”ayuu yiri Tarsan
Xoghayaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada oo maamulaya tartankan ayaa waxa uu sheegay in uu dareensan yahay in ay jiraan dhalinyaro faro badan oo awood leh isla markaana niyad u leh. Arrintana waxay keeni kartaa in garsoorayaasha tartankan in ay ku adkaan doonto sidii loo kala saari lahaa dhalinyaradan.
Dhalinyaro badan ayaa markoodii ugu horeysay waxa ay indhaha saareen studiyo ama tiyaatar, Yaxye Maxamed Diino oo 24 jir ah oo dhinaca gabayada ku tartamaya ayaa yiri: “Waa markii ugu horeysay ee aan masrax soo dul istaago iyadoo dadna ay daawanayaan,waxayna ahayd mid cabsi leh waayoaragnimada oo igu yarayd awgeed, balse waxa ay ii hayd arrin weyn in aan dareenkayga la wadaago dadka Soomaaliyeed”
Garsoorayaasha iyo daawadayaasha ka qeybgalay barnaamijkan duubitaankiisa ayaa waxaa soo jiitay dareenka fanaaniinta heesaysa oo laga dhex arki karay heesahooda.
“Waan ognahay in aan la kulmi doono fanaaniin dhalinyaro ah balse waxaan la yaabnay awooda gabar dhalinyaro ah oo 18 jir ah taasoo gabay qiire leh oo ku saabsan burburka ka dhacay dalka taasoo ilmo ka keentay dadkii joogay Tiyaatarka” ayuu yiri Maki Haji Banadir oo ka mid ah garsoorayaasha.
Labaatankii sano ee la soo dhaafay inkabadan shan boqol oo fanaaniin Soomaaliyeed ah ayaa lagu diley ama si caadi ah u dhintay. Kuwii soo harayna waxa ay ku kala firirsan yihiin adduunka oo dhan.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Abdishakur Mire oo ka hadlay barnaamijkan ayaa yiri: “Waxaan nahay dal ay fanaaniin ka buuxaan, dhinac kastana waxaa nolosheena ay ku xiran tahay fanka iyo dhaqanka. Bandhigan cusub waxa uu mideyn karaa Soomaalida ku nool caalamka oo dhan.”
Illaa boqol fanaaniin caan ah ayaa waxaa ay ku nool yihiin wadamada reer Galbeedka ah. Balse nasiibdaro celcelis ahaan da’ada fanaaniinta sida heesaaga iyo musiga dadka tuma ayaa ah 56 sano jir.
Tan ayaa waxaa ay la micno tahay in fanaaniinta Soomaaliyeed ay gaareen da’ada howlgabka iyadoo aysan jirin da’ yar bedesha.

Markii ugu horeysay ayaa malaayiin Soomaali ah waxa ay kala socon doonaan barnaamijkan raadiyaha iyo taleefishinahada waxaana uu barnaamijkan durba noqday mid toban laabma iyadoo ay kordheen dadka soo codsanaya.
Barnaamijka noocan oo kale ah ayaa waxaa uu yahay mid lagu soo nooleynayo fanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in lagu soo bandhigo in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin dhaqan loo gudbin karo faca soo baxaya.
















_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada