Wax Badan Ka Ogaaw Kulanka Barcelona Iyo Real Marid , Yaa Maqan Yaana Jooga?.

Wax Badan Ka Ogaaw Kulanka Barcelona Iyo Real Marid , Yaa Maqan Yaana Jooga?.


Ciyaaryahan oo Barcelona ka tirsan oo kala ah Carles Puyol, Sergio Busquets, Cesc Fabregas iyo Xavi ayaa dhamaantood ku soo laaban doona Line Up-ka Barcelona marka garoonkooda ay caawa ku soo dhaweynayaan Real Madrid.
Ragan ayaa Todobaadkan meel loo dhigtay Real Madrid oo lug kala bax ay dhextaal.
Daafaca Brazil ee Adriano ayaa dhaawac looga shaki qabaa inuu u seego kulankan laakiin Kaaliyaha kooxda ahna kusimaha Macalinka Barcelona Jordi Roura ayaa qaab Ciyaareed Cusub kala hortagaya Wiilasha Mourinho.
Madrid ayaa soo dhaweyn doonta Xabi Alonso ,Karim Benzema iyo Raphael Varane oo dhamaantood dhaawac kasoo laabtay.
Sergio Ramos, Fabio Coentrao iyo Angel Di Maria ayaa kasoo Muuqan doona Ciyaartan maadaama ay ganaax kasoo laabteen iyagoo seegay lugtii hore ee 1-1 ku dhamaatay halka Kaka lagu dari doono raga Semi Finalka ciyaaraya.
Ogow
Kooxda Barcelona ayaa kaliya hal kulan ka badisay Lexdii ciyaar ee ugu dambeysay ee Real Madrid ay ka hortimaado,hal guul, sadax bar baro labana waa ay Lumisay.
Lionel Messi ayaa ka dhaliyya Kulankan Weyn ee Clasico 17 gool 23 jeer uu soo xaadiray Marka Barcelona iyo Real Madrid ay is wajahayaan.
Real Madrid ayaa la ciyaartay Barcelona 224 mar tartamada oo dhan,kooxda Magaalada Caasimada ayaa badisay 88 Jeer halka Barcelona 87 mar iyadana ay adkaatay.
Los Blancos ayaa kaliya hal mar badisay Sadax kamid ah Toban kulan oo garoon ka baxsan keeda ay ku soo ciyaartay Tartamada oo dhan,Sadax Guul,sadax bar baro iyo Afar ay Lumisay.
Cristiano Ronaldo ayaa ka dhaliyay Barcelona 7 gool Todobadii ciyaar ee ugu dambeeyay ee Real Madrid iyo Barcelona ay ciyaaraan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada