Qilaaf Yar Oo Qosol Leh Oo Shir Jaraa,id Ku Dhex Maray Philipp Lahm Iyo Dante.

Qilaaf Yar Oo Qosol Leh Oo Shir Jaraa,id Ku Dhex Maray Philipp Lahm Iyo Dante.

daajis.com:-Labada daafac ee kooxda Bayern Munich Philipp Lahm iyo Dante oo maanta la qabtay Pep Guardiola shirka jaraa,id ee ka hor kulan ka habeen danbe ee kooxda Man United ayaa muujiyay qilaaf yar oo qosol lahaa.

Daafac ree Brazil Dante oo hadalka ku hormaray ayaa yiri “Waxa aan hiigsanaayo waqtigaan waa inaan kula guulaysto kooxdayda Bayern Munich Champions League xili ciyaareed kan markaas kadibna waa inaan kula guulaysto xulkayga Brazil koobka aduunka”.
Isla markiiba Philipp Lahm ayeey lama filaan ku noqotay hadalka Dante wuxuuna yiri “Koob adduun aa? waad iska kaftamaysaa”.
Dante ayaa qosol ugu jawaabay saxiib kiis Lahm wuxuuna sii watay hadal kiisa “Kulan kii lugta koowaad waxaan ka daawanaayay TV-ga, waxaana sifiican u daraasadeeyay qaab ciyaareed ka Man United, waxaana aaminsanahay inaan awoodno inaan guul ka gaari karno”.

Dante ayaa la waydiiyay ilaalinta Rooney wuxuuna ku jawaabay “Waa weerar yahan heer sare ah awoodna u leh inuu daqiiqad kasta oo ciyaarta kamid ah uu wax kabadalo, sidaas darteed difaaceenu wuxuu ahaan doonaa mid aad u foojigan, horay ayaan uga hor imid wax tarkiisana si fiican ayaan u garanayaa”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada