Ciidanka Ethiopia oo dilay saraakiil Kenyan ah iyo xiisad culus oo taagan

Ciidanka Ethiopia oo dilay saraakiil Kenyan ah iyo xiisad culus oo taagan

daajis.com:- Ciiddanka Kenya oo ku hubeysan Taangiyo iyo Gawaarida Gaashaaman ayaa ka ambabaxay Xero Milliteri oo ku taalla Degaanka Mooyaale, si ay u gaaraan Xuduudka.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Ciiddanka Ethiopian iyo kuwa uu dhex maray Is-rasaasayn lagu dilay Saddex Sarkaal oo Kenyaan ah.

Dilkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Sololo ee xadka labada dal.

Ciiddanka Ethiopia ayaa rumeysan inay Dagaalamaayasha Jabhadda Xorreynta Oromo ee OLF ay dagaal ka soo qaadaan, kuma dhuumaalaystaan gudaha xuduudka Kenya

Dhinacakale, Ciiddanka Ethiopia waxay shalay so ogaleen Tuullooyinka ka tirsan Degmadda Sololo, waxayna halkaasi ka kaxeysteen ugu yaraan 24 qof oo Kenyaan ah.


Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Ethiopia soo gaalaan xuduudka Kenya, waxayna horey xoog ugu so ogaleen Degmooyinka Mooyaale, Sololo iyo Ileret.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada