Sawiro: Jarmalka oo masaafurinaya Gabar yar oo 20-Bilood jir ah

Sawiro: Jarmalka oo masaafurinaya Gabar yar oo 20-Bilood jir ah

daajis.com:- Wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka oo lagu magacaabo  Der Westen  ayaa qoray inay Dowladda ku wargelisay gabar yar oo hal sanno iyo 8 bilood inay muddo hal isbuuc ah kaga baxdo dalka Jarmalka.

Maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ayaa waxaa gaabdha yar ee Edona la soo gaarsiiyey Qoraal ka kooban 11 bog oo ka timid Xafiiska Socdaalka iyo Qaxootiga ee Jarmalka (BAMF), oo loogu sharxay inay haysato muddo hal isbuuc si ay uga baxdo dalkaasi.

Gabadhaasi yar oo lagu magacaabo Edona waxay 20 bilood ka hor ku dhalatay Gobalka Sauerland ee Galbeedka Jarmalka, 11 maalmood kadib, markii labadeeda waalid (Eduart iyo Franga) oo ka soo jeeda dalka Albaania soo galeen Jarmalka iyagoo magan-gelyo-doon ahaa.

Qoraalka waxaa loogu digay haddii ay u hoggaamsanaan weydo Amarkaasi  in markaasi si khasab ah looga masaafurin doono dalka Jarmalka.

Qoyskeeda ayaa waxay u muuqataa in Edona lagu khasbayo in laga saaro dalka Jarmalka, waayo waxay ku dhalatay gudaha Jamhuuriyadda Federalka (The Bundesrepublik), lamana caddayn karo inay wajahday cadaadis dhinaca guriga.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Socdaalka iyo Qaxootiga ee Jarmalka (BAMF), Christoph Sander oo la hadlay Wargeyska The Local.de inay run ahaan qalad ahayd Warqadda loo diray gabadha yar, balse waxaa la wada diiday dhamaan codsigii Qoyskeeda ee magangelyo-doonka.

Afhayeenka waxa uu intaasi daray in sababo qaarkooda in Edona oo keliya lagu wargeliyey amarkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada