Daawo Sawirada:- Ciidamada NISA oo soo Qabtay Gaari Qarax Lagu Fulin Rabay

Daawo Sawirada:- Ciidamada NISA oo soo Qabtay Gaari Qarax Lagu Fulin Rabay

daajis.com:- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda qaranka oo xalay Howlgal ka fuliyay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Gaari ay saaranyihiin Walxaha Qarxa iyo Hub kale.

Gaariga iyo Hubka ayaa laga soo qabtay Hotel lagu Magacaabo Al-Cimraan oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in sidoo kale la soo qab-qabtay dadkii lahaa Gaariga iyo kuwo kale oo la tuhumay.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay heleen xogta ku saabsan Hubka iyo Gaariga walxaha qarxa ay saaranyihiin, kadibna waxa ay beegsadeen goobtii lagu sheegay inuu gaarigu yaalo.

Baaris ay ka sameeyeen halkaasi ayay ciidamada ugu suurto gashay inay soo qabtaan, gabi ahaan ragii ku shaqo lahaa falkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada