Hillary Clintn oo Aqbashay Inay Noqoto Musharaxa Xisbiga Dimoqraaddiga (VIDEO)

Hillary Clintn oo Aqbashay Inay Noqoto Musharaxa Xisbiga Dimoqraaddiga (VIDEO)

daajis.com:- Musharaxadda Hillary Clinton ayaa xalay si rasmi ah u aqbashay inay noqoto musharraxa xisbiga Demoqraaddig u matali doona doorashada Madaxtinnimo Dalka Maraykanka ee dhici doonta bisha November sanadkan.

Hillary ayaa waxay tilmaantay in dalka Mareykanka uu yahay Dal hadda lagu xisaabtamo, iyadoo ku baaqeysa in la midoobo, waxayna hadaladeeda ku durtay Niinka ay is hayaan ee musharaxa Jamhuuriga, Donald Trump.


Clinton waxay sheegtay in Wadanka Mareykanka oo si wada jir ah u shaqeeya ay mustaqbal wanaagsan u noqon karaa qofkasta, waxayna u mahadcelisay taageerayaasheeda iyo kuwii musharrixii ay ku tartameen doorashada hoose ee Dimuquraadiga, Bernie Sanders.

Waxayna Haweeneydani noqoneysaa qofkii dumar ahaa ee ugu horreeyay ee u tartanta xilka Madaxwayninimada Dalka Maraykanka abit.

Madaxwyanaha xilkka ka sii dagaya ee Dalka Maraykanka Mr.Barak Obama ayaa ku baaqay in la doorto Hillary Clinton, isagoo ku macneeyay in aysan jirin Haween iyo Rag kaga haboon Xilka Madaxtinimada Dalka Maraykanka, ayna mudan tahay in ay xafiiska kala wareeto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada