Ilaalada madaxtooyada Turkiga oo la kala dirayo

Ilaalada madaxtooyada Turkiga oo la kala dirayo

daajis.com:- Waxaa la kala dirayaa ciidammada ilaalada madaxtooyada waddanka Turkiga kaddib markii ku dhawaad 300 oo ka tirsaneyd xubnaha ciidammadaasi la xiray kaddib afgembigii dhicisoobay.

Ra’iisul Wasaare Binali Yildirim ayaa sheegay in aanan loo baahnayn horintan ka kooban labada kun iyo badhka aadka u tabaran.

Goor sii horraysayna Turkigu waxa uu xiray wiil uu adeer u yahay wadaadka deggan Mareykanka ee Fatxullah Gulen, kaasi oo ay dowladda Turkigu leedahay waxa uu ka dambeeyay kacdoonka.

Ninkaasi si xooggan ayuu u diiday in arrintan uu wax lug ah ku leeyahay.


Dhanka kale waxaa la xiray lataliye aad muhiim ugu ahaa Mr Gulen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan madaxtooyada waddankaasi.

Waxaana weli socota shaqo ka eryiddii ballaarneyd ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Erdogan, kaddib afgambigii dhicisoobay.
Iyadoo khudbad uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ka jeediyay taleefishinka qaranka, ayuu ku sheegay, in wadarta in ka badan 30,000 oo qof haatan loo xiray afgambigii xilka loogaga tuuri rabay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada