Video: Xaalad kacsanaan ah iyo Dhaqdhaqaaq ka Jira Berbera iyo Deegaanada ku xeeran (Faah faahin)

Video: Xaalad kacsanaan ah iyo Dhaqdhaqaaq ka Jira Berbera iyo Deegaanada ku xeeran (Faah faahin)

daajis.com:- Waxaa Xaalad kacsaan ah maalmihii ugu danbeeyay laga dareemay deegaanada isku xidhay magaalada Berbera iyo Burco, Kadib markii maamulka Somaliland uu Xukun Dil ah ku Riday 8-nin oo kasoo jeeda Magaalada Berbera, Kuwaasi oo lagu eedeeyay inay dileen Sarkaal ka tirsanaa maamulka Somaliland oo kasoo jeeday Bariga Burco.

Arintaan ayaa waxay Abuurtay inuu yaraado isku socodka Gaadiidka Wadada laamiga ah ee isku Xidha Burco iyo Hargeisa, sidoo kalana waxaa jira Abaabulo iyo Dhaqdhaaq ciidan oo laga dareemay goobaha qaarkood.

Dad Cadhaysan ayaa Banaabaxyo Xoogan waxay ka dhigeen deeganaano dhowr ah, Kuwaasi oo muujiyey dareenkooda ku aadan Sida ay uga soo Horjeedaan maamulka uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo.


Dhinaca kale waxaa magaalada Hargeisa Lagu xidhay Suldaankii Beesha Ciise Muuse oo ku dhowaaqay shirshir deg deg ah oo ay isugu timaado Beeshu, waxaana Xildhibaan kasoo jeeda berbera oo ka hadlay arintaasi uu sheegay in Suldaanka la Jidhdilay oo si Fool loola dhaqmay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada